Buundada Halyeeyadii 15ka Luuliyo (Af-Turki: 15 Temmuz Şehitler Köprüsü); waxaa markii hore loo yaqaanay Buundada Bosphorus (Af-Turki: Boğaziçi Köprüsü), sidoo kale waxaa loo aqoon jiray Buundada Kowaad (Af-Turki: Birinci Köprü) Waa buundada 1aad ee isku xirta labada daamood ee magaalada Istanbul ee Asia iyo Europe. Waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa 1973 waxaana hore loo oran jiray magacyada aanu kor kusoo xusnay ayadoo markii dambe loo bixiyey Buundada Halyeeyadii 15ka Luuliyo oo ah magac lagu maamuusayo dadkii ku geeriyooday Afgambigii Dhicisoobay ee Turkiga 2016.